Waa maxay xanuunka gout-ka? ( caabuq ku dhaca kala goysada.
Waa maxay Gout pain?
Waa xanuun daran oo si lama Fillans ah u soo weerara kala gosyada sida: jilbaha, Faraha ,camaacimaha iyo meelo badan oo kala qoysyo ah waxaa uuna noqon karaa mid si guud iyo si gaar ah ba u qabta kala goysada.
Calaamadaha ugu muhiimsan ee gout waa weerar deg-deg ah oo xanuun daran leh ee qabta hal ama ka badan oo kalagoysyada ah. sida caadiga ah suulasha ayuu ku dhacaa. Calaamadaha kale waxaa ka mid noqon kara: kala-goysyadu waxay ka dareemaan kulayl iyo jilicsanaan, ilaa heer ay u adkaysan waayaan wax taabanaya. barar gudaha ah iyo hareeraha kala-goysyada uu saamaysay. Midabkeeda oo gaduudan noqda, maqaar oo dhalaala meelaha ka sarreeya xubnaha uu saameeyeen.
Gout-ka waxaa sababa maado loo yaqaan uric acid oo ku ururta dhiiga. Haddii uu jirkaagu soo saaro uric acid oo aad u badan ama kelyahaagu aanay si fiican u shaandhayn, waxaa badan kara maadadaas waxayna sababi kartaa kiristaalo yar-yar ( wax dhagax u eg oo kala goyska ku sameysma oo fiiqan inay ka samaysmaan xubnaha iyo agagaaraha. Kiristaalo-yadani waxay sababi karaan kala-goysyadu inay bararaan (casaan iyo barar) iyo xanuun.
Sannadkii 2019, ku dhawaad 36 boqolkiiba dadka la ildaran xanuunka gout-ka ee Maraykanka ayaa rumaysnaa in gout-ku uu ka xanuun badan yahay dhagxaanta kelyaha. Gout-ku waa nooc ka mid ah arthritis-ka ( Caabuqyada ku dhaca kala gowsyada) oo sababa xanuun daran oo degdeg ah.
Maqaalka xiga ee aan soo gelino waxaan uga hadli doonaa wax yaabo la xiriira sida loo daweeyo iyo sida looga hor tago gout-ka ( caabuqa kala-goosyada)
Comment oo reeb mahadsanid.
Comments
Post a Comment