Waa maxay xanuunka gout-ka? ( caabuq ku dhaca kala goysada.
Waa maxay Gout pain? Waa xanuun daran oo si lama Fillans ah u soo weerara kala gosyada sida: jilbaha, Faraha ,camaacimaha iyo meelo badan oo kala qoysyo ah waxaa uuna noqon karaa mid si guud iyo si gaar ah ba u qabta kala goysada. Calaamadaha ugu muhiimsan ee gout waa weerar deg-deg ah oo xanuun daran leh ee qabta hal ama ka badan oo kalagoysyada ah. sida caadiga ah suulasha ayuu ku dhacaa. Calaamadaha kale waxaa ka mid noqon kara: kala-goysyadu waxay ka dareemaan kulayl iyo jilicsanaan, ilaa heer ay u adkaysan waayaan wax taabanaya. barar gudaha ah iyo hareeraha kala-goysyada uu saamaysay. Midabkeeda oo gaduudan noqda, maqaar oo dhalaala meelaha ka sarreeya xubnaha uu saameeyeen. Gout-ka waxaa sababa maado loo yaqaan uric acid oo ku ururta dhiiga. Haddii uu jirkaagu soo saaro uric acid oo aad u badan ama kelyahaagu aanay si fiican u shaandhayn, waxaa badan kara maadadaas waxayna sababi kartaa kiristaalo yar-yar ( wax dhagax u eg oo kala goyska ku sameysma oo fiiqan inay ka s...